Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ururka Al-Shabaab oo Sheegtay Weerarkii Xaley Baydhabo Lagu Qadey
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 08 2008
Ururka Al-Shabaab oo Sheegtay Weerarkii Xaley Baydhabo Lagu Qadey
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 08 July 2008

muuqaalka Abuu MansuurBaydhabo,(insidesomalia.org)- Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay  Xoogaggooda ka dambeeyeen Weerarro Madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Magaalada Baydhabo.

Abuu Marsuur “Baydhabo waa dhufeyskii ugu dambeeyay ee ay ku jiraan Ciidamada cadawga, sidaas darteedna waxaan mujaahidiinta ugu baaqayaa in ay Baydhabo isugu yimaadaan”

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in weerarka xalay ay ku qaadeen Magaalada Baydhabo ay khasaare ugu geysteen sida uu u yiri Ciidamada Cadawga iyo kuwa Dowladda ridada, “Baydhabo waa dhufeyskii ugu dambeeyay ee ay ku jiraan Ciidamada cadawga, sidaas darteedna waxaan mujaahidiinta ugu baaqayaa in ay Baydhabo isugu yimaadaan” ayuu yiri Shekh Mukhaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Al-Shabaab oo sii hadlayay ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay ilaa iyo haatan qarinayaan dhibaatadii ka soo gaartay weerarkii ay xalay ku qaadeen, isla markaana ay dadka ka qarinayaan meelihii ay Madaafiicda ku dhaceen.

Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in afarta gees ay Magaalada Baydhabo ka joogaan Ciidamadooda, isla markaana ay sii socon doonaan weerarrada ay ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, “kuwa u shaqeeya Itoobiyaanka waxaan leeyahay u hoyda meelaha ay Itoobiyaanka joogaan, koley Baydhabo waxaa joogi doona Ciidamada Mujaahidiinta”ayuu mar kale yiri Abuu Mansuur oo sheegay in Baydhabo ay ahayd meesha kaliya ee aan weli weeraro lagu qaadin, haatana ay weerarradii ku bilowdeen.

Dhanka kalena, Abuu Masnuur waxaa uu ka hadlay dilkii habeen hore Muqdisho loogu geystay Marxuum Cusmaan Cali Axmed oo u shaqeynayay Hay’adda UNDP, “Waan cambaareyneynaa dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay Marxuumkaas, waxaana is-leenahay dilkiisa waxaa ka dambeeyay dad dano gaar ah ka leh ama ay dhici karto in ay  dileen  dad uu mashaariic ka hor-istaagay”ayuu yiri Shekh Mukhtaar Roobow oo sheegay in dhinacooda aysan wax lug ah ku lahayn dilalka loo geysanayo dadka wax-galka ah ee Magaalada Muqdisho ka dhaca.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >